Jimco 27, Dec 2024 {HMC} War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Somaliland ayaa caddeynaya in wafti ka socday Somaliland oo ay ka mid yihiin wasiirro iyo taliyeyaal ciidan ay magaalada Hargeysa ku soo laabteen ka dib markii ay shalay u tageen magaalada Jigjiga si ay u qaataan qayb ka mid ah wadahadallada iyo xalinta xiisadda ka dhalatay dagaalkii Dacawaley ee ka dhacay deegaannada xuduudka Somaliland iyo Itoobiya.
Kulankaas oo ay la qaateen saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Dawladda Federaalka Itoobiya iyo mas’uuliyiin ka socday Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa lagu soo bandhigay isla-garow rasmi ah oo ku saabsan sidii loola tacaali lahaa xiisadda iyo sidii loo joojin lahaa dhiigga daadanaya ee sababay dagaalkaas. Waxa la isku afgartay in xaaladda lagu dhameeyo xal nabadgalyo oo salmi ah, iyadoo la sameeyo talaabooyin degdeg ah oo la xiriira joojinta colaadda.
Qodobbada muhiimka ah ee la isla gartay waxaa ka mid ah:
In ciidamada la kala qaado: Tani waxay ka dhigan tahay in labada dhinac ay isku afgarteen in ciidamada labada dhinac ee ku lugta leh dagaalka la kala qaado si looga hortago in dhiiggu sii daato.
2. In federaalku la wareego amniga goobaha dagaalka: Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa lagu heshiiyey in ay ku guulaysato in ay qabato amniga goobaha uu dagaalku ka dhacay, waxaana lagu qorsheeyey in ciidamadooda la keeno subaxa dambe.
3. In guddi madaxbanaan la sameeyo: Waxaa la isla gartay in la sameeyo guddi madaxbanaan oo qaabilsan xallinta xiisadda iyo dhameystirka qorshayaasha nabadda.
4. In la bilaabo wada hadalkii dib u heshiisiinta: Waxa la isku raacay in la bilaabo wada hadallo dib u heshiisiineed oo ay dammaanad qaadayso Dawladda Federaalka Itoobiya, si loo gaaro xal waara oo salka ku haya nabad iyo wada noolaansho.