Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Ku dhawaad 10 qof oo ka mid ah kalluumeysatada ka jallaabta xeebaha magaalada Muqdisho ayaa muddo bil ah lagu la’yahay Badweynta Hindiya, iyadoo la maleynayo in ilaa afar doonyood oo ay la socdeen ay saameeyeen dabeylo xoog leh ama ay cillad ku timid matoorrada doomahaasi.
Kamal Maki Weys, oo ah Guddoomiyaha Iskaashatada Kalluumeysiga Dan-kulmis ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xaaladda ay tahay mid weli aan si buuxda loo caddeyn, laakiin wararka la helay ay muujinayaan in kalluumeysatada ay ku jiraan xaalad halis ah, kadib markii ay ku kaceen safarro kalluumeysi oo xilligaas waxaa ka jiray dabeylo xoog leh oo ka socday Badweynta Hindiya.
Weys wuxuu sheegay in doomaha ay wateen kalluumeysatadu ay ku cilladaysnaayeen matoorrada, taasoo keentay in aanay si fudud ugu laaban karayn xeebaha Muqdisho. Inta badan kalluumeysatada ayaa la sheegay inay ka yimaadeen deegaano kala duwan oo ku yaal xeebaha Muqdisho, waxaana laga walwalsan yahay in xaaladdan ay halis galinayso nolasha iyo badbaadada kalluumeysatada.
Guddoomiyaha Iskaashatada Kalluumeysiga Dan-kulmis ayaa sidoo kale sheegay in dadaallo loogu jiro sidii loo heli lahaa kalluumeysatada la l’a yahay, iyadoo la sameynayo xiriir joogto ah oo lala yeelanayo mas’uuliyiinta maamulka iyo ciidamada badda, si loo hubiyo badbaadadooda.
Sidoo kale, Kamal Maki Weys ayaa tilmaamay in dabeylaha iyo xaaladaha cimilada ee ka jira Badweynta Hindiya ay noqdeen kuwo sii kordhaya, taasoo dhib weyn ku haya kalluumeysatada Soomaaliyeed ee ku tiirsan badweynta.
Kalluumeysatada ayaa si weyn ugu tiirsan badda si ay u helaan noloshooda, waxaana jira halisyo joogto ah oo ay wajahaan marka ay baxaan, gaar ahaan xilliyada cimilada adag. Dhibaatooyinka noocan oo kale ah ayaa marar badan ku dhaca kalluumeysatada Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale gobolka Badweynta Hindiya uu leeyahay xaalado badeed oo khatar ah.