Talaado 24, DEC 2024 {HMC} Iyadoo xiisada u dhaxeeyso Iiraan iyo Israa’iil aay mudooyinkii dambe sare u kacday islamarkaana labada dhinac aay is weedaarsadeen gantaalo faro badan ayaa hada waxaa soo baxo warar sheegayo in Iiraan wadamada gobolka ku war gelisay in aay Joojineyso Dagaalka Israa’iil.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa wareysi uu bixiyay ku xaqiijiyay; “Iran waxa ay ku wargelisay Turkiga in ay gabi ahaanba doonayso in ay ka fogaato dagaal kasta iyo iska hor imaad ka dhan ah Israa’iil.”
Tani waxay khuburada falanqeeyo arimaha gobolka Bariga Dhexe ku tilmaameen in aay la xiriirto xaalad kasta, xataa arrimaha Marinka Qasa iyo sabab la xiriirta Falastiiniyiinta inaysan Iiraan u dagaallami doonin.
Hore kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan oo Iiraan aay taageerto ayaa heshiis ula gaartay nidaamka Israaiil, kadib dagaal qaraar oo Meesha lagaga saaray hogaankii & qaab dhismeedkii ururka Xisbullah.
Fidan ayaa sheegay in Iiraan, oo horey u muujisay taageerada ay u hayso Falastiiniyiinta iyo dhaleeceynta ay u soo jeedisay siyaasadaha Israa’iil, ay hadda go’aansatay inay iska ilaaliso xiisad militari oo dheeri ah.
Wasiir Fidan ayaa intaa ku daray in Iiraan ay ka digtay halista dagaal ka dhex dhici kara gobolka, isla markaana ay doonayso in ay la timaaddo xal siyaasadeed oo nabadeed.
Israa’iil hadda waxay doonaysa inay weerarto Iran oo ay burburiyaan barnaamijka nukliyeerka iyo gantaallada Iran, taa oo u rogi karta Tehran meel ‘eber’ ah oo ku dhammaan karta in xukunka laga tuuro Ayatollah Ali Khamenei.