spot_imgspot_imgspot_img

Maxay ka dhigan tahay Taageerada Faransiiska ee damaca badda ee Itoobiya?

Isniin 23, DEC 2024 {HMC}  Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkiisu uu taageerayo doonista Itoobiya ee ku aaddan in ay hesho marin badeed iyadoo ku heleysa hab wada xaajood ah oo ixtiraamaya shuruucda caalamiga ah iyo dalalka deriska ahba.

Macron ayaa hadlay Sabtidii kaddib booqasho hal maalin ah oo uu ku tagay Addis Ababa, halkaas oo uu wadahadallo laba geesood ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Macron ayaa bogaadiyay heshiiskii Ankara ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo ay horraantii bishaan kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy, uuna goobjoog ka ahaa Madaxweyne Erdogan.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo dowladda Faransiiska taageerada ay ka geysaneyso dib u habeynta xarunta qaranka iyo dayactirkeeda.

Maxay ka dhigantahay taageerada Macron ee damaca badda Itoobiya?

Dr Cabdiwali Maxamuud Gureey oo ka faallooda siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ayaan wax ka waydiinay booqashada madaxweynaha faransiiska Macron iyo waxa ay ka dhigantahay.

“Waxaa is badalay si guud xiriirka caalamiga ah iyo sida ay dalalku u danayn jireen Afrika, waana wajiga cusub ee Faransiiska uu rabo inuu ula macaamilo,” ayuu yiri Dr Gurey.

“Faransiiska waxa uu kamid yahay dowladaha Itobiya u soo dhisayay ciidanka badda, taas ayaana keenaysa inay ku taageerto helista marin biyood, waxbadan ayayna wadaagaan labadaas dal,” ayuu yiri Dr Cabdiwali Maxamuud Gureey.

Falaqeeyaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in heshiiskii u danbeeyay ee Itoobiya iyo Soomaaliya ee dhanka muranka badda uu wali sugayo in la horkeeno labada aqal ee baarlamaanka.

Faransiiska ayaa hab militari iyo diblomaasiyadeed ku taageeraya Itoobiya, iyadoo Paris ay tababar iyo qalabeyn siiso ciidanka Itoobiya ee loo tababaray inay ka howlgallaan badda, taas oo la xiriirta tallaabo ay ku doonayso Itoobiya sida ay ku heli lahayd saldhig ciidanka badda, mana aysan sharrixin waligeed Itoobiya sababta ay u doonayaan saldhig ciidanka badda ah.

WARARKA