spot_imgspot_imgspot_img

Maalqabeenada Suuriya oo Lagu Wargiliyay in aay Dhisaan Goobaha Danta Guud ee Suuriya

Isniin 23, DEC 2024 {HMC}  Maamulka la wareegay awoodda Dalka Suuriya ayaa kordhiyay kulamada looga hadlayo dib u dhiska Dalkaas gaar ahaan goobaha danta guud ah si loogu adeego bulshada saameynta taban ku reebtay colaaddii ka dhacday Dalkaan.

Dadka hantida heysta ayaa loo bandhigay maalgelinta goobaha muhiimka ah, waxaa hagaajin iyo dib u dayactir lagu billaabay goobo oo ku yaalla Magaalada Dimishiq xarunta Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya.

Wufuud kala duwan ayaa kusii qulquleysa Caasimadda Suuriya ee Dimishiq si ay ula kulanto Madaxda hoggaanka u qabatay kuna guuleysatay in xilka ay ka tuurto Dowladdii uu hoggaaminayay Bashaar Al-Asad.

Afartii cisho u dambeysay waxaa Dalka Suuriya gaaray wufuud ka kala socota Maraykanka, Turkiga iyo Dalal kale kuwaas oo dhammaan doonaya in ay cilaaqaad cusub la sameeyaan Maamulka xukunka qabsaday.

Hoggaanka sare ee Suuriya ayaa sheegay in si wadajir ah looga shaqeyn doonno dhismaha Dowladda cusub, sidoo kale xaalad wanaagsan kula dhaqmi doonnaan Dalalka daneynaya arrimaha Dalkaas.

Hadalkaas waxa uu durba soo jiitay dhinacyo badan oo muddo dheer ku adkeyd in ay tagaan ama xiriir la sameystaan Suuriya maadaama xukunkii Qoyska Reer Asad uu ahaa mid ad adag oo gooni socod ka dhigay.

WARARKA