Axad 22, DEC 2024 {HMC} Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , ayaa magacawday guddi qaban qaabada salaada janaasada iyo aaska caalimkii weynaa ee Sheekh Muuse Cadde oo dhawaan ku geeriyooday dalka Holland.
Meydka Sheekh Muuse Cadde , ayaa lagu wadaa in laga soo dejiyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana Sheekh lagu dukan doonaa salaad janaaso ah ay ka qeyb gali doonaan madax iyo culumaa’udiin kala duwan.
Guddiga Wasaarada Awrqaafta magacawday ayaa guddoomiye looga dhigay Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdu Baari, halka kuxigeena looga dhigay Sheekh Cali Maxamuud (Cali Dheere), oo xilal kala duwan kasoo qabtay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.