spot_imgspot_imgspot_img

Guddiga xuquuqul aadanaha oo Eedeeyn u Jeediyay Madaxweynaha Kenya.

Axad 22, DEC 2024 {HMC} Guddiga xuquuqul aadanaha dalka ee (KHRC) ayaa madaxweynaha Kenya William Ruto ku dhaliilay magacaabidda shakhsiyaad uu dhawaan ku soo daray Golihiisa wasiirrada.

Guddigan ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay Kasoo horjeedo Xeerarka Dastuuriga ah gaar ahaan isku dheellitirka matalaadda Qowmiyadeed iyo jinsiyadda.

Guddiga ayaa bayaanka ku sheegay in madaxweynaha uu sii xoojiyay takoorka goboleed iyo jinsiyadeed inkastoo uu isku dayaya inuu Golihiisa wasiirrada Siyaasad ahaan dheellitiro.

Waxaa uu guddigan hoosta ka xarriiqay in boqolkiiba 35 ee xubnaha Golaha Wasiirrada ay noqonayaan kuwo ka soo jeeda gobolka bartamaha Kenya haddii baarlamaanka uu ansixiyo magacaabidda Mutahi Kagwe, William Kabogo iyo Lee Kinyanjui.

 

Dhanka kale guddiga Qaran ee jinsiyadda iyo sinnaanta ee (NGEC) iyo guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee (NCIC) ayaa lagu boorriyay in ay dowladda kula xisaabtamaan ka tallaabsashada arrimaha Dastuuriga ah.

WARARKA