Axad 22, DEC 2024 {HMC} Afar qof ayaa ku dhintay markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay ku burburtay isbitaal ku yaalla Koonfur-galbeed ee Turkiga Axaddan, guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay, in shilku uu sababay ceeryaamo qaro weyn.
“Diyaarad helikobter ah ayaa dhulka ku dhacday ka dib markii ay ku dhufatay dabaqa afraad ee isbitaalka markii ay kacday,” waxaa ku dhintay laba duuliye, dhakhtar iyo shaqaale saarnaa, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Mugla Idris Akbiyik.
“Waxaa jirtay ceeryaamo xooggan,” ayuu yiri Akbiyik, isagoo intaas ku daray in mas’uuliyiinta ay baarayaan sababta shilka.
Diyaaradda helicopter-ka ayaa ku soo kacday xaalad aan si wanaagsan loo arki karin, iyadoo ka soo duushay saqafka sare ee isbitaalka Mugla oo ku sii jeeday magaalada Antalya, sida lagu arkay sawirro uu baahiyay TV-ga NTV.
Helikobterka ayaa markaas la arkayay iyadoo ceeryaamo ku dhex jirta dhowr daqiiqo ka dib markii ay kacay, ka hor inta aysan ku dhicin meel bannaan oo ku dhow cisbitaalka ay ku dhufatay, sida ay ku warrantay warbaahinta Turkiga.
Shilkan ayaa yimid wax ka yar labo todobaad kadib markii lix askari ay dhinteen kadib markii ay isku dhaceen labo diyaaradood oo helicopter ah xili uu tababar ciidan ka socday gobolka Isparta ee koonfur galbeed dalka Turkiga.
Waqtigaas wasaaradda gaashaandhigga ma aysan cadeyn waxa sababay shilkaas.