Axad 22, DEC 2024 {HMC} Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa ka gadooday munaasabadii uu dhigtay Cabdicasiis Laftagareen, waxayna saacado kooban u qabteen hoggaamiyaha maamulkaas oo u dabaal-degay sanad-guuradiisa 6-aad ee mudadii uu xukunka joogay.
Ciidamada Daraawiishta Maamulkaas ayaa iska soo duubay muuqaalo ay ugu hanjabeen Laftagareen, iyagoo soo gudbiyey cabasho yaab leh, soona bandhigay dayacaad ay kala kulmeen Laftagareen.
Ciidanka maanta hadlay ayaa badankood waxay joogaan degmada Walaweyn iyo deegaano kale oo Laftagareen uu geeyey dhowr bilood ka hor, xilli ay isku dhacsanaayeen beesha Gaaljecel oo Daraawiishta maamulkaas ay dagaal la galeen.
Waxay sheegeen in Laftagareen uu habeen hore dhigtay xaflad weyn oo boqolaal kun oo doolar ay ku baxday, xilli ay ku dhibaateysan yihiin duurka oo mushaar iska dhaafe aysan heysan wax sahay ah.
Ciidamada ayaa muuqaaladan ku faafiyey barahooda bulshada, iyagoo isaga duubay taleefanadooda, muddo 24-saac gudahood ah ayey u qabteen in Laftagareen uu uga soo jawaabo cabashadooda.
Ciidamada qaar ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Laftagareen oo u dabaal degaya sanad guuro sharci darro ah, maadaama uu dhamaaday labo sano ka hor muddo xileedkiisii, in hadana madaxdii qaranka ay tageen Baydhaba oo la dabaal degeen Laftagareen.
Sidoo kale waxay sheegeen in ciidankiisii oo gaajo u dhimanaya uu Laftagareen boqolaal kun oo dollar ku dhigtay hal munaasabad oo ku kacday boqolaal kun oo doolar, ciidankaan ayaa muujiyey cabasho xoogleh oo sanado ay la aamusnaayeen.
Guud ahaan Koonfur Galbeed waxaa ka jirta saboolnimo ay sababeen qabado is biirsaday, caqabadahaas waxaa kamid ah go’doominta Al-Shabaab, maadaama aysan magaalo ku gudbi Karin magaalo kale.
Sidoo kale waxaa ka mid ah maamul xumo iyo eex uu hormuud u yahay Laftagareen, hadana labo sano ayuu sharci darro ku joogaa xukunka, waxayna xalay Xamsa iyo Aadan Madoobe oo wata raxan masuuliyiinta kale ee qaranka ah kula dabaal degeen Baydhaba, isagoo u dabaal degaya sanad guuradii 6-aad oo labo sano uu sharci darro ku joogo xukunka.