Sabti 21, DEC 2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusaayay 81 sano guuuradii kasoo wareegtay markii la aas aasay Booliiska Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay arrimo badan oo la xariira xaalada guud ee dalka.
Madaxweynahe Xasan Sheekh ayaa si gaar ah ugu dheeraaday ka hadalka doorashooyinka, amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, waxuuna xusay in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana taasi lagu gaari karo in la xaqiijiyo sugista amniga ee dalka.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweynaha iney diyaarsan yihiin guddigii ka shaqeyn lahaa shuruucdii loogu talagalay in lagu hago arrimaha doorashooyinka ayna ka go’an tahay dowladdiisa in awooda dalka dib loogu celiyo dadka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa si cad u sheegay inuusan marnaba aqbali doonin in arrimaha Soomaaliya dibadda loo qaado, dalkuna uu leeyahay dowlad jirta.
Hadalka madaxweynaha ayaa waxaa uu ku soo aadaya, iyadoo madaxda maamulada Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ah ay horay uga soo horjeesteen in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah.