Sabti 21, DEC 2024 {HMC} Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Maamulkiisa uu go’aan ku gaaray in uu sameysto lacag u gaar ah inta lagu guda jiro sanadka soo socda ee dhowaan curan doonna 2025.
Siciid Deni ayaa sheegay in muddo ay sugayeen in Dowladda Federaalka ay sameyso Lacag balse markii arrintaas ay dhici waysay ay go’aansadeen inay sameystaan lacagtaas oo uusan si toos ah u sheegin qaabkeeda iyo cidda ka gacansiineysa.
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in lacagtaas cusub aanay kahor imaaneyn tan Dowladda Dhexe ee Dalka laga sugayo in ay soo daabacdo balse ma raacin waxyaabaha caddeynaya in arrintaas.
“Inta lagu guda jiro 2025 Puntland waxa ay sameysaneysaa lacag ay leedahay oo hadhow la jaanqaadi kara Lacagta Dalka, Muddo ayaan sugeynay in Shillin Soomaali mideysan la sameeyo balse ma muuqdo” Siciid Cabdullaahi Deni.
Go’aankaan ayuu ku difaacay in ay jiraan Dalal ku dhaqma nidaamka Federaalka oo leh lacago kala duwan, Siciid Deni ayaa ku afeeftay in haddii tallaabadaas ay qaadaan aanay ka dhigneen in ay ka tageen Soomaalinimada sida uu hadalka u dhigay.
“Dalal badan oo Federaal ah oo waxaa jira labo lacagood kala leh, macnaheedu ma ahan in aan Soomaalinimada ka baxnay laakiin waxa aan rabnaa in Puntland lacag ay leedahay daraasaddeeda raadisaan” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Siciid Cabdullaahi Deni MW DG Puntland.
Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa horay si gaar ah u maamulay Imtixaanka Dugsiga Hoose/Dhexe iyo kan Sare, Haatan waxa uu Maamulkaas qorsheynayaa in uu sameysto lacag gaar ah oo aan la garanayn sida ay noqon doonto & cidda ku gacansiineysa.