Sabti 21 Dec 2024 {HMC} Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay abaalmarinta lacageed ka dulqaadday Hoggaamiyaha isbaddelka cusub ku sameeyay Dalka Carbeed ee Suuriya Axmed Al-Sharaa oo sidoo kale loo garan ogyahay Maxamed Al-Julaani.
Wadahadal Magaalada Dimishiq ku dhexmaray Hoggaamiyaan iyo wafdi ka socday Maraykanka oo ay hormuud u ahayd Haweeneyda Arrimaha Dibadda u qaabilsan Bariga Dhexe waa Barbara Leaf oo waqti dheer la hadleysay.
Ujeedka ka dulqaadista lacagtii horay loo ballanqaaday in lagu abaalmarinayo qofkii xogtiisa keenta oo ahayd in la siinayo qofkaas $10 Milyan oo Doollar ayaa meesha laga saaray sida ay ku xog-warrantay Haweeneydaan oo Warbaahinta la hadashay.
Maraykanka ayaa hoggaamiyahaan waxa uu liiska waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ geliyay sanadkii 2018, xiligaas waxa ay Washington sheegtay in ay u arkeysay dagaallada uu ku jiray kuwo uu ku garab istaagayay Al-Qaacida sida hadalka loo dhigay.
“Waxa aan meesha ka saarnay abaalmarintii aan ku bixineynay soo qabashada ama fududeynta xogta Axmed Al-Sharafaa oo loo garan ogyahay Maxamed Al-Julaani kaddib markii isbaddel togan uu kusoo kordhiyay Suuriya” Ayay tiri Barbara Leaf.
Nidaamkii dhibaatada waqtiga dheer ku hayay Dadka Reer Suuriya ayaa lasoo afjaray horraantii bishaan Deseembar, waxaa dalkaas isaga baxay Bashaar Al-Asad iyo qoyskiisa oo haatan ku sugan Waddanka Ruushka.