Sabti 21 Dec 2024 {HMC} Maamullada Jubbaland iyo Puntland oo si weyn uga soo horjeeda nidaamka doorasho ee Villa Soomaaliya ay wado ayuu guddoomiyaha golaha shacabka u direy baaq cusub.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in nasiib xumo ay tahay in waqtigaan la joogo ay arkaan dowlad-goboleedyo diidan doorashooyinka qof iyo codka, isagoo ugu baaqay maamullada Jubbaland iyo Puntland inay aqbalaan nidaamkan doorasho.
“Adduunka waa nala yaaban yahay sida ay Soomaalida oo dad Islaam ah ay ugu midoobi la’yihiin nidaam doorasho oo xor ah,” ayuu Sheekh Axmed Madoobe ka sheegay khudbadii xalay uu ka jeediyay munaasabadii lix sano guuradii markii Lafta-gareen loo doortay hoggaanka Koonfur Galbeed, taas oo uu goobjoog ahaa ra’iisul wasaare Xamza.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu ammaan u jeediyay Somaliland, oo ayadu si xor iyo xalaal ah doorashooyinkeedii uga qabatay deegaanadeeda, taas oo looga adkaaday Muuse Biixi oo hoggaamiyanayay maamulka in ka badan 7 sano.
Baaqan ayaa imanaya xilli uu guddoomiye Aadan Madoobe uu baarlamaanka u marsiiyay Villa Soomaaliya shuruuc muhiim u ah nidaamka doorasho ee uu ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo hoos u dhigi karta culeyska baaqan.
Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa qeyb ka aheyn wada-hadallada ay dowladda Soomaaliya go’aan uga gaartay inay dalka guud ahaan ka hirgeliso doorasho qof iyo cod ah, waxaana labada maamul qabaan in hanaan sharci ah loo marin nidaamkan doorasho.
Nidaamka doorasho ee muddooyinkii dambe ay sida weyn uga shaqeynaysay Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa si adag uga horyimid oo qaadacay madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiiyinta mucaaradka, oo ayagu sheegay in looga dan leeyahay “muddo kororsi sharci darro ah.”