spot_imgspot_imgspot_img

Marinka Qaza: Israel oo Falastiiniyiin Kale Duqeymo ku Dishay

Jimco 20 Dec 2024 {HMC} Washington — Israa’iil ayaa sii waday duqeymaha ay ku hayso Marinka Qaza Khamiistii shaley iyada oo dhexdhexaadiyayaal Maraykan ah iyo Carabtu ay ka shaqaynayeen sidii heshiis xabbad-joojin ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas loo gaari lahaa sida ay wararku sheegayaan.

Dhakhaatiirta caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in duqeymaha Israa’iil ay ku dishay 44 falastiiniyiin ah magaalada Qaza Khamiistii, oo ay ku jiraan ugu yaraan 13 qof oo lagu dilay duqeymo kala duwan oo habeenimadii dhacay.

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in duqeyn kale lagu diley sagaal qof meel u dhow xerada qaxootiga ee xeebta ee magaalada Gaza, halka weerar kale lagu dilay afar qof oo ku sugnaa guryaha lacag la’aanta ah oo u dhow Beit Lahiya ee waqooyiga Gaza.

Maalinimadii Khamiista, duqeymo xagga cirka ah ayaa lagu dilay ugu yaraan 15 falastiiniyiin ah laba guri oo ay ku nool yihiin qoysas barakacayaal ah oo ku yaalla bariga Qaza, sida ay sheegeen dhaqaatiirta, halka weerar kale oo Israa’iil ay geysatey lagu dilay ugu yaraan saddex qof xaafad ku taal magaalada Gaza ku sugnaa.

Duqeymaha qaar, Israel ayaa sheegtay in ay ku bartilmaansatay xarumaha taliska Xamaas, iyada oo aan soo bandhigin cadeymo arrintaa muujinaya.

Duqeymaha iyo dhimashadaas ayaa dhacay iyadoo dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qatar ay sii wadaan ka shaqeynta heshiis lagu joojinayo dagaalka.

Dhexdhexaadiyayaashu waxay ku guulaysteen inay dhinacyada isku soo dhaweeyaan, laakiin kala duwanaansho kale ayaa wali jira, sida ay Reuters soo werisay.

Magaalada New York Khamiistii, Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in la weydiiyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ra’yi ku saabsan waajibaadka Israa’iil si ay u fududayso gargaarka Falastiiniyiinta ee ay bixiyaan dawladaha iyo kooxaha caalamiga ah, oo ay ku jirto Qaramada Midoobay.

WARARKA