Jimco 20 Dec 2024 {HMC} Wararka ka imaanaya Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya inuu dagaal xooggani ka billowday Degaanka Dacawaley oo ka tirsan degmada Xarshin ee gobolka Jarar ee Dowlad Degaanka Soomaalida.
Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Maleeshiyaad hubaysan iyo Ciidamada Degaanka Soomaalida sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Galinkii dambe ee shalay ayuu bilaawday dagaalka waxana uu mar kale dib uga qarxay magaalada Dacawaley, waxayna wararka qaar sheegayaan inuu dagaalkani shalay ku billowday kaddib markii Maleeshiyo hubaysan ay weerar ku soo qaadeen fadhiisin ay Ciidamada Degaanka Soomaalidu ku lahaayeen magaalada Dacawaley, balse wali ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya qaabka uu ku bilowday dagaalkan.
Dagaalkan ayaa gaystay khasaare badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan la xaqiijin karin tirada saxda ah ee waxyeelada dagaalkan haddana waxaa la soo sheegayaa dhimasho aad u badan oo labada dhinacba ah, wararka kale ayaa iyaguna sheegaya in dadkii ku dhaawacmay dagaalkan intoodii badnayd loo qaaday dhinaca Somaliland, maadaama degaanka ay wax ka dhaceen u dhawdahay dhinaca Somaliland.
Dadka degaanka Dacawaley deggan ayaa dhinacooda waxay sheegayaan in Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalidu ay xasuuqeen shacabka magaalada Dacawaley, isla markaana ay dad badan ku laayeen gudaha magaalada Dacawaley, balse ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara warkaas.
Ma jiro wax war ah oo ka so baxay Xukuumadda Dowlad Degaanka Soomaalida oo ku aadan dagaalkan ka dhacay magaalada Dacawaley, sidoo kalena ma jiraan ilo madax banaan oo iyaguna ka hadlay dagaalkan, sida lasoo sheegayana wali wuu socdaa dagaalku,
Degaanka ay dagaalladu ka socdaa ayaa waxaa muddooyin badan ka jiray saasaan colaadeed, iyagoo marar horena ay isku dhacyo ka jireen aaggaas, isku dhacyadaas oo u dhaxeeyay dadka degaankaas iyo maamulka degaanka Soomaalida, balse wali lama ogaan waxa dagaalkan maanta dib usoo kiciyay.
Halka lagu dagaalamaayo ayaa ah deegaanka Dacawaley oo ah deegaanka hoostago degmada Xarshin ee Gobolka Jarar ee Dowlad degaanka Soomaalida, waxaana ay aad ugu dhawdahay Xaduudka ay wadaagaan DDS iyo Soomaaliya gaar ahaan Goboladda waqooyin ee Soomaaliland.