Jimco 20, DEC 2024 {HMC} Munaasabadda lagu xusayey sanad-guurada 81-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo ku beegan 20-kii December 1943, ayaa si weyn looga xusay magaalada Beledweyne.
Munaasabaddan oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin kala duwan iyo saraakiisha ciidanka qeybaha kala duwan, ayaa lagu muujiyey muhiimadda iyo doorka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee sugidda nabadgelyada iyo ilaalinta sharciga.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay saraakiil sare oo ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada, iyadoo sidoo kale ay goob joog ka ahayd maayarka magaalada Beledweyne, Marwo Nadar Tabaax.
Munaasabadda waxaa ugu horreyn hadallo dhiirrigelin ah ka jeediyey saraakiisha kala duwan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee kasoo qeyb galay Munaasabada.
Saraakiishu waxay ku bogaadiyeen ciidanka shaqadooda adag iyo dadaalka ay u hayaan amniga bulshada Soomaaliyeed.
Intaasi ka dib, waxaa hadalka qaatay Taliye Ku-xigeenka qeybta Booliska ee gobolka Hiiraan, ahna Ku-simaha Taliyaha, Muuse Cabdi Xayuuke. Isaga oo hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wuxuu ku dhiirrigeliyey in ay sii xoojiyaan howlaha ay u hayaan bulshada, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimada ay leedahay iskaashiga bulshada iyo booliska.
Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda khudbad ka jeedisay maayarka magaalada Beledweyne, Marwo Nadar Tabaax. Iyadoo hambalyeysay ciidanka Booliska, waxay ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayaan sugidda amniga magaalada.
Maayarka waxay sidoo kale ciidanka ku dhiirrigelisay in ay sii wadaan shaqooyinka muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, waxayna jeedisay dardaaran ku aaddan in ay ilaaliyaan wadajirka iyo dedaalladooda ku wajahan sugidda nabadda iyo sharciga.