Jimco 20 Dec 2024 {HMC} Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Pakistan ay ku guda jirto ka shaqeynta nukliyeerka ayna sameyneyso gantaalada riddada dheer kuwaas oo gaari kara meelo ka baxsan Koonfurta Aasiya ilaa Mareykanka.
Maraykanka ayaa mar xulafo dhow la ahaa Pakistan, hadda se waxa uu ka hadlayaa oo uu ka walaacsan yahay barnaamijka gantaallada ee Pakistan.
Ku xigeenka la taliyaha amniga qaranka Mareykanka John Finer ayaa sheegay in su’aasha muhiimka ah ee ka dhalaneysa waxa ay Pakistan sameyneyso ay tahay waa maxay hadafkeeda ka dambeeya barnaamijkeeda gantaalada ballistic-ga.
“Dhaqdhaqaaqyada Pakistan looma eegi karo si kale marka laga reebo inay khatar ku tahay Maraykanka. Pakistan waxay samaysay gantaalo ay ku rakiban yihiin tignoolajiyada casriga ah,” ayuu yiri Finer.
“Kuwaani waxay u dhexeeyaan habka gantaalada riddada dheer iyo qalab awood u leh in lagu tijaabiyo matoorada waaweyn ee gantaalada, waxaa jira dalal yar oo hubkooda nukliyeerka ah iyo gantaaladooda ay awood u leeyihiin inay gaaraan Maraykanka. Laakin wadamadani waxay khatar ku yihiin ammaanka Maraykanka. Wadamadan waa Ruushka, Kuuriyada Waqooyi iyo Shiinaha.” ayuu intaa ku daray.
Dhinaca Kale Dowladda Mareykanka ayaa ku hanjabay cunaqabateyn Dowladda Bakistaan oo sameysatay Gantaalo casri ah.
Mareykanka ayaa Arbacadii sheegay in uu cunaqabateyn dheeri ah ku soo rogayo barnaamijyada gantaallada ballistic-ga ee Pakistan.
Mareykanka ayaa goor sii horeysay ku eedeeyay afar shirkadood oo Pakistan laga leeyahay in ay ku lug leeyihiin barnaamijyo la xiriira faafinta gantaaladan casriga ah.
Maraykanka ayaa sheegay in go’aankan la qaatay “iyada oo la eegayo khatarta ka imanaysa sii fidinta barnaamijka gantaallada riddada dheer ee Pakistan”.
Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, afarta shirkadood ee Pakistan ayaa lagu bartilmaameedsanayaa cunaqabatayn si waafaqsan Amarka fulin oo soo baxay.
Mareykanka ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid lagu joojinayo horumarinta iyo fidinta hubka wax gumaada.
“Ku xigeenka NSA John Finer ayaa sheegay in Pakistan laga yaabo in ay awood u leedahay in ay gantaal ku garaacdo Maraykanka. Tani waa hadal naxdin leh, kaas oo gacan ka geysanaya sharraxaadda sababta Maraykanku uu cunaqabataynta ugu soo rogay shirkadaha Pakistan,” waxaa sidaasi yiri Michael Kugelman, oo ah agaasimaha machadka Koonfurta Aasiya ee Wilson Center ee fadhigeedu yahay Washington.
Bishii Sebtembar, Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay machad cilmi-baaris oo Shiinuhu leeyahayiyo shirkado dhowr ah oo ay ku andacoonayaan inay ku lug lahaayeen bixinta agabka muhiimka ah ee barnaamijka gantaallada ballistic-ga ee Pakistan.
Dowladda Bakistaan ayaa si adag uga falcelisay cunaqabataynta ay Dowladda Maraykanka ugu hanjabtay
Najam Sethi oo ah falanqeeye dhanka siyaasadda ah ayaa barnaamij ka baxay TV-ga Pakistan ee Samaa, waxa uu ku yiri, “Mar kasta oo Maraykanku uu cadaadis nagu hayo, waxa aanu u dhaqaaqi doonaa dhinaca Shiinaha, haddii Ameerika lafteedu ay la socoto Hindiya, markaa waxaanu raacaynaa Shiinaha, Hindiya waxay dheelayaan ciyaar xiiso leh, waa America iyo Ruushka labadaba.”
Dhanka kale, waxaa soo hagaagaya xiriirka Hindiya iyo Mareykanka.
Najam Sethi wuxuu yiri, “Waxaan dhihi lahaa sanadka soo socda 2025, Mareykanka iyo Israa’iil waxay diiradda saari doonaan Iran, taas oo la xiriirta isbeddelka dhanka nidaamka ah ee halkaas iyo soo afjarida barnaamijkooda Nukliyeerka, tani waa hadafkooda.”
“Haddii tani dhacdo, markaas sanadka 2026-ka Mareykanka iyo Israa’iil waxay diiradda saari doonaan Pakistan iyo barnaamijkeeda Nukliyeerka.”
Sethi waxa uu yiri, “Shiinuhu waxa uu taageero weyn u yahay Pakistan, Ameerikana ma joojin doono.”
XIGASHO BBC