Jimco 20 Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha Dalka Faransiiska Emmanuel Macron oo booqasho rasmi ah caawa ku tagay caasimadda jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti ayaa kulan la qaatay dhigiisa Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Macron iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah ku joogi doona Jabuuti labo cisho, waxana madaxda wadankaasi uu kala hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan iyo labada shacab sida lagu qoray barta Facebook ee madaxweyne Geelle.
Maalinta Berito ayaa lagu wadaa in ay dhacaan kulamo dheeraada, waxana aakhirka la filayaa in labada madaxweyne ay qabtaan shir jaraa’id oo ay ku faahfaahinayaan waxyaabaha laga wadahadlay.
Wadanka Faransiiska ayaa taageero ka raadinaya wadamada geeska afrika kadib markii uu xumaaday xiriirka uu lalahaa dallalkii uu horey u gumeysan jiray ee ku yaala galbeedka qaarada afrika.