spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa ka jira in hogaamiyaha Suuriya uu doonayo inuu dalka ka dhigo sida Afghaistan oo kale?

Khamiis 19 Dec 2024 {HMC} Hogaamiyaha Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa wax laga weydiiyay mustaqbalka waddankaas, iyo inuu doonayo inuu dalka ka dhigo sida Afghanistan oo kale.

Waxaa uu beeniyay wararka sheegaya inuu doonayo inuu dalka ka hirgeliyo nidaamka ka jiraa waddanka Afghanistan.

Waxaa uu sheegay inuu rumeysanyahay waxbarashada haweenka.

“Muddo ka badan sideed sano, waxaan jaamacado ku lahayn magaalada Idlib”, ayuu yiri Sharaa, oo ka hadlayay gobolka waqooyi-galbeed ee Suuriya oo xoogagga mucaaradka ay maamulayeen tan iyo sanadkii 2011-kii.

“Waxaan u maleynayaa in tirade haweenka dhigta jaamacadaha ay tahay boqolkiiba 60”, ayuu intaas raaciyay.

WARARKA