Khamiis 19 Dec 2024 {HMC} Abuja — Is-buurasho ka dhacday munaasabad diimeed oo ka dhacday magaalda Ibadan, oo ah caasimadda gobolka Oyo ee Koonfur-galbeed Nigeria, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac badan, sida uu sheegay duqa magaalada Seyi Makinde Arbacadii.
Dhacdadan ayaa ka dhacday dugsi sare oo Islaami ah oo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u fara badan oo u socday xaflad qoys.
Makinde ayaa hadal uu soo dhigay bartiisa X waxa uu ku yiri “iyadoo ay baaritaannada socdaan, ayaa abaabulayaashii ugu horreeyay ee soo qaban-qaabiyay dhacdadan keentay is-buurashada ayaa xabsiga la dhigay,”
Tirade dhimasha iyo waxa sababay dhacdada ayaan wali la xaqiijin karin.
Adeegyada degdegga ah, oo ay ku jiraan shaqaale caafimaad iyo ambalaas, ayaa isla markiiba loo diray goobta, sida uu sheegay Makinde.
Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale goobta la geeyay si ay xaalada u xakameeyaan oo ay uga hortagaan qasaaro kale. Munaasabadda waa la hakiyay, ka soo qayb galayaashii kalena si nabad ah ayaa looga saaray goobta, ayuu yiri.