spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Hay’addaha Sirdoonada Soomaaliya iyo Tanzania oo Heshiis kala saxiixay.

Khamiis 19 Dec 2024 {HMC} Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Tanzania ee TISS, Suleiman Abubakar Mombo, oo booqasho labo maalin ah shalay kusoo gaaray Muqdisho.

Intii ay socotay booqashadan ayay labada dhinac si weyn uga wada hadleen dadaallada wadajirka ah ee looga hortagi karo khataraha ururrada argagixisada iyo xoojinta is-dhaafsiga xoggaha muhiimka ah ee amniga.

Madaxda hay’adaha Sirdoonka, ee Soomaaliya yo Tanzania, oo adkeeyay muhiimadda iskaashigan, ayaa kala saxiixday heshiis is af-garad ah oo lagu dar-dargelinayo doorka labada hay’ad ee dagaalka ka dhanka ah halista Argagixisada.

Iskaashigan, ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xasiloonida iyo ammaanka gobolka, iyada oo labada dhinac ay wadaagaan ujeeddada guud ee ka hortagga Argagixisada Bariga Afrika.

 

-DHAMMAAD

WARARKA