spot_imgspot_imgspot_img

Ra’isul Wasaare Xamse oo Amar ku bixiyay in la qaado………..

Arbaco 18 Dec 22014 {HMC} Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre , oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir , ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga qaado waddooyinka magaalada dhagxaanta lagu jaray.

Xamse Barre , ayaa sheegay in amniga caasimadda uu hadda ka jiro isbadal weyn oo loo riyaaqay, waxa uu sidoo kale xusay in magaalada ka socdaan horumaro waa weyn sida dib u dhiska waddooyinka iyo sidoo kale kaabayaasha kale ee dhaqaalaha.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa faray Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir in ay ka shaqeeyaan sidii dhagxaanta looga qaadi lahaa waddooyinka caasimadda, si loo ilaaliyo bilicda magaalada .

”Waxaan filayaa in la gaaray xilligii dhagxaanta waa weyn laga wareejin lahaa magaalada Muqdisho, magaaladan in dhagxaanta laga qaado ayaan rabnaa Wasiirka Amnigow, waxaan rabnaa dadkeennu in ay dareemaan in amnigu isbddelay, waan hubaa dhagxaan wax maceliyaan waa in laga qaadaa magaalada , si bilicda ay u qurux badnaato,” ayuu yiri Xamse Barre.

Xamse Barre , ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay goobaha ay yaalaan koontaroollada Muqdisho in naftirkooda la qurxiyo lagana qaado dhagxaanta iyo jaqafyada yaalla, isaga oo amray Wasiirka Amniga in la qurxiyo oo biro fiican laga dhiso goobaha baraha koontarool yaallaan.

Shacabka magaalada Muqdisho oo dhibaato badan ku qaba waddooyinka dhagxaanta lagu jaray ayaa si weyn ugu farxay hadalka Ra’isul Wasaaraha, lamasa oga in amarka Ra’isul Wasaaraha in uu fuli doono iyo in uu noqon doono hadal meeshii lagu yiri looga tago.

WARARKA