spot_imgspot_imgspot_img

Nin taageere weyn u ah Madaxweyne Cirro oo Loo Diiday In uu Yimaado Soomaaliland

Talaado 17 Dec 22014 {HMC} Soomaaliland ayaa diiday inuu Magaalada Hargaysa ka soo dago, Liibaan Al-Cadala, oo ka mid ah taageerayaasha Madaxweyne Cirro, kaasi oo amar madaxweyne lagaga reebay diyaaradda uu la socday oo uu kasoo raaci lahaa Dalka imraadka Carabta.

Kadib markii uu soo baxay amarka ka dhan ah Al-Cadala, ayaa waxa Garoonka diyaaradaha hargeysa rabshado  ka dhigay, taageerayaal tiro badan oo dooneeynaayay inay soo dhaweeyaan.

Ninkan lagu magacaabo Al-Cadaala, oo Yurub ka yimid, ayaa sheegay in laga soo dajiyay diyaaradda Fly Dubai, kadib markii ay soo gaartay waraaq ka socota madaxweynaha oo lagaga joojinayo safarkiisa Magaalada Hargaysa.

“Warqad ayaa la i tusay sheegaysa in madaxweynaha cusub ee dalka haystaa uu diiday inaan kasoo dago madaarka magaalada Hargaysa,” ayuu yidhi Al-Cadala. “Alaabtaydii waa la kala daadiyay, diyaaradiina waa layga dajiyay, waxaas oo dhanna waxa ka masuul ah madaxweynaha cusub ee dalka haysta.”

Al-Cadaala, waxa uu codsi gaar ah u diray madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo uu ka codsaday in uu ka taageero sidii uu Magaalada Hargaysa u iman lahaa. waloow uu si weyn uga soo horjeedi jiray Madaxweyne Biixi.

Xisbiga Waddani oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in maxkamadaha Soomaaliland ay danbiyo kala duwan u haystaan, sidaas darteedna ay diideen inuu Magaalada Hargaysa kasoo dago.

Guuleed Dafac oo ah sharci yaqaan reer Soomaaliland ah ayaa sheegay inay sharci darro tahay in qof muwaadin ah loo diido inuu dalkiisa yimaado, taa beddelkeedana ay mudnayd in wixii danbi ah ee uu galay lagu qaado kadib marka uu yimaado.

Al-Cadala oo taageero weyn u ahaa Madaxweynaha Dhawaan loo doortay Soomaaliland Cabdiramaan Cirro, ayaa baraha bulshada ku faafin jiray hadallo uu ku aflagaadaynayo qaybo kamid ah bulshada, isaga oo marar badan bulshada ugu baaqay inay dagaal lagalaam Xukuumadii Muuse Biixi.

WARARKA