spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha Turkiga oo Soomaaliya Kusoo Wajahan.

Isniin 16,Dec,2024 {HMC} Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa billowga sanadka maalmaha kooban naga xiga ee 2025 kusoo wajahan Soomaaliya sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay Bartiisa X ee horay loo oran jiray Twitter.

Sidoo kale Madaxweynaha Turkiga ayaa safarkiisa Geeska Afrika cagta ku marinaya Dalka Itoobiya si uu ula kulmo Madaxda sare ee Xukuumadda Addis Ababa sida uu sheegay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Socdaalka Erdogan Soomaaliya & Itoobiya waxa uu dhashay kaddib markii uu ku guuleystay is afgaradkii ku dhexmaray Magaalada Ankara 11kii Deseembar 2024 ee lagu damiyay xiisaddii ka dhaxeysay Xukuumadaha Muqdisho iyo Addis Ababa.

Heshiiska dhacay oo ah mid dhammeystiran ayaa lagu ballamay isla billowga sanadka soo socda 2025 inkasta oo aanay la xaqiijin safarkiisa in uu ka horreeyo wadahadalkaas ama ka dambeeyo balse marka waqtiga uu soo dhawaado la ogaan doonno.

Madaxweynaha Turkiga ayaa safarkiisii ugu horreeyay ku yimid Soomaaliya sanadkii 2011kii xiligaas oo uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas, waxaa Dalka ka jiray xaalado adag oo ka dhashay abaartii ku dhufatay Soomaaliya.

Diblumaasiyiin ka socota Turkiga ayaa kusii qulqulaya Magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa si ay usii diyaariyaan qorshaha soo dhaweynta Madaxweynaha Dalkaas Recep Tayyip Erdogan ee billowga sanadka maalmaha kooban ka dhiman tahay curashadiisa.

WARARKA