spot_imgspot_imgspot_img

R/W: Xamsa oo shaaciyey saraakiil maalgelisa kooxda AS.

Axad, 15, Dec, 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirweynaha ka hortagga iyo la dagaallanka maalgelinta Argagixisada oo Muqdisho lagu qabtay, wuxuuna ka jeediyey khudbad xasaasi ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn sheegay in lacagta la siiyo argagixisada ay khatar ku tahay, diinta, amniga, bulshada iyo dowladnimada, isla markaana lagu dhiirigelinayo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

“Waxa dalkeena ka socda waa dullinimo, ganacsatada inta la isla soo dhaafay ayey hadda argagixisadu lacag baad ah ka qaataan saraakiisha ciidamada ee amnigeena aan ku aaminay,” ayuu yiri Xamsa, basle waxaa la diiday in codkaas la baahiyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in si kasta oo loogu lug-yeelan karo maalgelinta kooxaha Khawaarijta ah, ay tahay danbi weyn oo lagu muddan karo in caddaaladda lala tiigsado ciddii lagu helo.

“Waxaa la soo gaaray xilligii damiirkeennu shaqeyn lahaa, xilligii aan dullinimada ka bixi lahayn, Khawaarijta waa in aan iska celinaa, shacabkana waxaa laga rabaa in bannaanka loo soo baxo oo si dhab ah uga xorowno cadowga“ ayuu yiri Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in dowladda lagu taageero ciribtirka Khawaarijta iyo kuwa maalgeliya, isaga oo uga digay ganacsatada in cadowga ay ku taageeraan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Xamsa ayaa daba-dhilif ku tilmaamay dadka lacagaha baadda ah siiya argagixisada, isagoo careysan ayuu Xamsa si adag u dalbaday in cabsida la iska dhaafo oo Khawaarijta laga joojiyo lacagaha la siinayo.

WARARKA