Axad,15,Dec, 2024 (HMC) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay koox burcad aheyd ugu geysteen gudaha degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdi Daahir Cabdulle oo loo yaqiinay Falfaliirshe.
Burcada dilkaan u geystay wiilka dhalinyarada ahaa ayaa dooneysay iney ka dhacaan Mobeel uu watay wiilka dhalinyarada oo kusii jeeday hoygiisa oo ku yaala xaafada Miriqmiriq ee ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Wiilkaan dhallinyarada ah ee loo dilay in laga qaato Mobeelkii uu watay ayaa la sheegay inuu nin ka shaqeeya baabuurta dhagaxyada dhismaha qaada, waxaana la tilmaamay in xillga la dilayay uu ka baxay shaqo maalmeedkiisii.
Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee ka howlgala degmada Deyniile ayaa gaaray goobta lagu dilay wiilka dhallinyarada ah, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano, hayeeshee lama soo warin wax natiijo ah oo kasoo baxay baaritaankaas.
Ugu dambeyntii habeen hore ayay aheyd markii sidan oo kale dil loogu geystay wiil dhalinyaro ahaa oo ku shaqeysanaayay Mooto Bajaaj, kaasoo lagu dilay xaafada lagu magacaabo iga dabagey ee ku taala degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.