spot_imgspot_imgspot_img

Cabdirxamaan Cirro oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirrada

Sabti, 14, Dec, 2024 {HMC}  Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirrada, waxaa liiska kasoo muuqday xubno u badan Xisbigiisa Waddani oo waqti adag kula soo qaatay xiligii uu ku howlanaa Ololaha Doorashadii uu ku guuleystay.

Cabdiraxmaan Cirro magacaabista Golahaan Wasiirrada ku saleeyay aqoonta ay shaqsiyaadkaas uu xushay u kala leeyihiin Wasaaradaha loo magacaabay, waxaana uu ka rajeeyay in ay saldhigaan qorshaha Xukuumaddiisa ay ku duulleyso.

Wasiirrada uu Cirro magacaabay waxaa kamid ah:

Cabdallaha Sandheere, Wasiirka Amniga.

Fu’aad Axmed Nuux, Wasiirka Duulista.

Cabdillaahi Geeljirka, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka.

Ismaaciil Ducaale Yuusuf, Wasiirka Waxbarashad.

Yuusuf Kayse Cabdillaahi, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Duulista Hawada.

Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle, wasiirka Warfaafinta.

Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Hawlaha Guud.

Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Wasiirka Qorsheynta.

Marwo Milgo Wasiirka Qoyska.

Yoonis Axmed Yoonis, Wasiirka Cadaaladda.

Khadar Xuseen Cabdi, Wasiirka Madaxtooyada.

Cabdilahi Baashe Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro waxaa horyaalla wax ka qabashada waxyaabihii ay ku dhaliileen Madaxweyne hore Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbigii Kulmiye ee waqtiga dheer siyaasadda Maamulkaas Maamulayay.

WARARKA