Sabti, 14, Dec, 2024 {HMC} Xildhibaan Abdiraxmaan Abdishakuur oo ka tirsan Barlamaanka Soomaalia ayaa quus iyo wax laga xumaado ka muujiyay Hishiiska Soomalia iyo Itoobiya ku dhaxmaray Ankara, Wuxuna sheegay in uu Dhibco Siyaasadeed ku Qaaday Abiy Ahmed aayna Culeeski Caalamkla Haaystay ka yareeyneeyso.
Itoobiya waxay Ankara kala soo laabatay gaarista Badda Soomaaliya ee gelid iyo bixid, Soomaaliyana gobbonimo, madaxbannaani iyo wadajir dhul oo ay dunidu 64 ka hor noo aqoonsatay.
Xadgudubka Abiy wuxuu ka soo horjeeday sharciga caalamiga ah, waxaa diiday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka, Midowga Yurub iyo Maraykanka, Wejigabax iyo takoor diblomaasiyadeed ayuu ku jiray, hadda waa laga saaray, waa faa’iido kale oo uu Ankara kala soo gadoomay.
Istaraatiijiyada Abiy waxay ahayd ku qabso ku qadi maysid, isagoo ka faa’iidaysanaya kala qaybsanaanta Soomaalida. Itoobiya marna ma oran waxaan diidanahay gobbonimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliya ee ficilkeed gurracan iyo MOU ay Somaliland la saxiixatay ayey ku tiri.
Haddaba, haddii ay aqoonsatay gobbonimada iyo wadajirka Soomaaliya, waa sida loo dabaaldegee, waxaan arki doonnaa qunsulayadiheeda ka furan Hargaysa iyo Garoowe oo wasaarada arrimaha dibadda dowladda federaalka ah soo maraya iyo in ay safaaradda Somaliland ee Addis-Abbaba xirto.
Istaraatiijiyada Abiy waxay ahayd ku qabso ku qadi maysid, isagoo ka faa’iidaysanaya kala qaybsanaanta Soomaalida. Madaxweyne Xasan halkii uu dadkiisa midaysan lahaa, wuxuu ka shaqeeyey kala qaybintooda.
Hoggaanka dowladda waxaa ka idlaaday sumcaddii lagu aamini lahaa, hadalkoodana lagu rumayn lahaa. Waxay soo kiciyaan dad kale oo u hadla, ee maqaalo dad ajnabi ah qoreen, iyagoo naf ka dayey mucaaradka Itoobiya.
War hooy weli fursad ayaad haysataan ee dadkiina la heshiiya.
“Nin walaalkii geed ugu jiraa geesi naqon waa”
Timacade (AUN)