Jimco , 13, Dec, 2024 {HMC} – Israa’iil ayaa boqollaal duqeymo ah ku qaadday saldhigyada ciidamada Suuriya, waxayna sidoo kale ciidamadeeda u daad gureysay aagga difaaca ee buuraha Golan, taasoo kordhisay tirada dhulka Suuriya ee ay maamusho Israa’iil.
Israa’iil ayaa sheegtay in tallaabooyinkan ay qaadayso si ay u sugto ammaanka muwaadiniinteeda, balse qaar kale ayaa sheegaya in ay fursaddan uga faa’ideysaneyso sidii ay u wiiqi lahayd cadawgeeda mudada dheer soo jiray.
Hay’adda u dooda xuquuqul insaanka Suuriya ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in ay diiwaan geliyeen in ka badan 310 weerar oo ay fuliyeen ciidamada difaaca Israa’iil tan iyo markii la riday taliska Asad maalintii Axadda.
Duqeymaha ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday xarumaha militariga Suuriya laga soo bilaabo Xalab oo waqooyiga ilaa Dimishiq oo koonfurta, sida bakhaarrada hubka, bakhaarrada rasaasta, garoomada diyaaradaha, saldhigyada ciidamada badda iyo xarumaha cilmi baarista.