Jimco , 13, Dec, 2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed , ayaa kulan ku yeeshay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, waxa ayna labada masuul heshiis is-faham ka gaareen khilaafkii xooganaa ee u dhaxeeyay.
Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabbadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa qoraal uu soo saaray ku iftiimiyay shan arrimood oo kasoo baxay shirkii ka dhacay magaalada Ankara ayna ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Abiy.
Fahad Yaasiin ayaa tilmaamay in shirkan lagu heshiiyay ee dhax maray Soomaaliya iyo Itoobiya faa’iido ugu jirto Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, waxa uuna xusay inta uusan xilka la wareegin in ay qaraxday miino Muusu Biixi u aasay.
Waxa uu sidoo kale Fahad Yaasiin tilmaamay in heshiiska Ankara ka dhacay uu fillanwaa ku noqday dowladaha Masar iyo Eritrea , oo xiriir dhaw la lahaa muddooyinkan dowladda Soomaaliya, sidoo kale khilaaf kala dhaxeeyay dowladda Itoobiya.
Halkan ka Akhrsi :Shanta farriimood ee shirka Ankara
𝐅𝐀𝐀’𝐈𝐈𝐃𝐎: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xaqiijiyay dhawrista madaxbannaanida dalka, burinta heshiiskii Muuse Biixi iyo dib u dhigidda heshiiska bixinta badda.
𝐅𝐔𝐑𝐒𝐀𝐃: Abiy Axmed wuxuu helay gaarista badda oo loo ogolaaday, galid iyo bixid ( In and out), damaanad qaadka dowlad saddexaad iyo joogista ciidankiisa Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Cirro toban saac kahor intaanan xilka loo dhaarinin baa Alle faraj cirka uga soo riday. Miinooyinkii uu uga tagay Muuse Biixi ayaa si sahal ah looga saaray jidka. Nasiino maskaxeed iyo buuq la’aan buu dadkiisa ugu shaqaynayaa.
𝐅𝐈𝐋𝐀𝐍𝐖𝐀𝐀: Dowladaha Masar iyo Eratariya heshiiskan wuxuu ku noqon doonaa filanwaa, waxayse sugayaan dhaqan galintiisa iyo wadahadallada soo socda ee nooca gaarista Badda ee Itoobiya ay dooneyso.
𝐅𝐄𝐄𝐉𝐈𝐆𝐍𝐀𝐀𝐍: Erayada la xiriiro gaarista badda waa kuwa u baahan la tashiyo sharci iyo taxadar dheeraad ah.