Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa soo gaaray dalka Turkiga, sida lagu shaaciyey boggiisa rasmiga ah ee Facebook.
Socdaalkiisa ayaa la xiriira kulan uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo lagu dhexdhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu marayo heerkii ugu hooseeyey, iyadoo saamaynta milatari iyo siyaasadeed ee Masar ay ku leedahay Soomaaliya sii kordhayso.