spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada DFS ee ku sugnaa Raaskamboni oo isku dhiibay Kenya.

Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} Sida lagu daabacay bogga X ee Waaxda la dagaalanka Argagixisada u qaabilsan Kenya, Boqolaal kamid ah ciidamada xoogga dalka SNA ayaa isku dhiibay ciidanka Kenya

Ciidankan ayaa ka gudbay deegaanka Ishakani oo ah deegaan xaduud u dhaxaysa labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada ayaa kamid ahaa Boqolaal ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u daabushay Raaskambooni todobaadyadii u dambeeyey.

 

Dhinaca kale Maamulka Jubbaand ayaa sheegay iney su buuxda ula wareegtay degaanka Raaskamboni ee gobolka jubada hoose oo mudooyinkan ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo laga diray Magaalada Muqdisho.

WARARKA

Yaa gacanta ku haya Suuriya?