Talaado 10, Dec 2024 {HMC} “Hadda waxaan ku suganahay bartamaha magaalada Dimishiq. Alle ayaan ku dhaartayee, aniga iyo 54 kale ayuu qorshuhu ahaa in la dilo maanta saacad iyo bar ka hor. Alle ayaa mahad leh,” ayuu yiri mid ka mid ah maxaabiista laga soo daayay xabsiga caanka ah Saydnaya ee Suuriya kaddib markii la afgembiyay Bashar al-Assad.
Maxbuuskan ayaa sidoo kale waxaa muuqaalka kula jiray maxbuus kale. Baraha bulshada ayaa lagu wadaagay muuqaalka maxaabiista ku jirtay xabsiga Sednaya.
Muuqaallada baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayay maxaabiista dabaqa sare ku jirta oo la sii deynayo dhammaantood iyo qoysas ka dalbanaya ururrada caalamiga iyo khubarro in ay furaan qeybta dhulka hoose oo ay weli ku jiraan kumannaan.
Xabsiga Saydnaya waa mid ka mid ah xabsiyada sida weyn loo ilaalin jiray markii uu talinayay Xaafid al-Assad oo ah Bashar al-Assad aabbihii. Waxaa lagu naaneysay “Xabsiga Cas” oo loola jeedo jirdilka iyo dilalka ay kooxaha xuquuqda aadanuhu ku sheegeen in ay goobjoog ka ahaayeen.
Sida lagu qoray warbixinnada xuquuqda aadanaha iyo baarista ururka maxaabiista iyo dadka la la’ayahay ee xabsiga Saydnaya, waxay taliska Assad fuliyeen dilal toos ah oo maxaabisita xabsiga ku jirta lagu dilayo. Si joogto ah ayaa dadka loo dili jiray iyadoo toddobaadkii labo jeer la fulin jiray dilalka.
Maxbuuska waxaa lagala bixi jiray halka lagu hayo marka uu gabbalka dhaco, isla habeenkaas ama maalinta xigta si loo dilo. Si toos ah ayaa dadka loo dili jiray iyadoo lagu daldali jiray qolal loogu talogalay, dilka waxaa la socday jirdil.
Kawaanka bani’aadanka
Hay’adda xuquuqda aadanaha Amnesty International waxay dhowr sano ka hor ku tilmaantay xabsigan “ka waanka bani’aadanka” iyo in uu yahay xabsi si hoose uu taliska Suuriya ugu gowraco dadkiisa.
Sida urur xuquuqda aadanaha oo fadhigiisu yahay Turkiga uu ka soo xigtay ururka maxaabiista iyo dadka la la’ayahay ee xabsiga Sednaya, xabsigan waxa uu ahaa mid dadweynaha Suuriya ay aad uga baqayeen.
Waxaa sanadkii 1987-dii laga dhisay halka ay ka bilaabato buurta saldhigga magaalada Saydnaya. Waa magaalo buuralley ah oo 30 kilometer waqooyiga kaga beegan Dimishiq. Xabsiga Saydnaya waxa uu ku fadhiyaa dhul gaaraya 1.4 kilomitir oo labo jibaaran. Waxa uu la egyahay sideed garoon oo kuwa kubbadda lagu dheelo.
Go’doomin iyo in laga fogaado waddooyinka oo loo soo baxo
Waxaa la arkayay mid ka mid ah xagjiriinta oo ka hadlaya kaamerooyinka sahanka. “Maxabiista gudaha ku jirta ma oga waxa socda,” taasi waxay muujineysa in aysan la socon warka ku saabsan in taliska uu dhacay. Sidoo kale waxaa halkaas laga fahmaya sida ay tahay dhibaatada ay ku jireen maxaabiistan ee ah go’doominta iyo in loo diiday xuquuqda aasaasiga sida in ay raadiya dhageystaan.
Intii ay socotay maxaabiis sii deynta, waxaa la arkayay nin hubeysan oo jabinaya qufullada qolalka maxaabiista iyagoo ka bilaabay halka ay ku xirnaayeen haweenka.
Waxay aheyd waqti muhiim ah. Mid ka mid ah haweenka maxaabiista ayaa ka caga jiidday in ay baxdo sababtoo ah lama socon waxa dhacaya. Ninka hubeysan ayaa bilaabay in uu u xaqiijiyo maxaabiistan in aysan baqin. “Ha baqina, waxaa nahay mucaaradka, hadda xor ayaad tihiin.”
Maxaabiista ayaa baxay iyagoo shakisan. Waxay bilaabeen in ay weydiistaan aqoonsiyadooda iyo dokomentiyadoodii laga qaaday markii la xirayay. Ninka hubeysan ayaa u sheegay, “Baxa oo qaata waxaad leedihiin, uma baahnidiin aqoonsi, cidna idinma joojineyso waddooyinka”.
Warqad ay soo dirtay hooyada maxbuus
Baraha bulshada ayaa lagu wadaagay farriin hooyo leh, “marka aad xoreysaan xabsiga Saydnaya, fadlan yeysan baxsan iyadoo ula jeedo askarta Assad, hala xaajoonina. Waxay jarjareen wiilkeyga oo 20 jir ah, indhaha ayey ka bixiyeen kaddibna dileen. Fadlan ha cafinina. Cadaalad ayaan u doonayaa wiilkeyga”.
Ururka maxaabiista iyo dadka la la’yahay ee xabsiga Sednaya waxay sheegeen in xaaladda xabsiga ay gaartay halkii ugu xumeyd intii u dhexeysay sanadihii 2011-kii ilaa iyo 2015-kii. Tirada maxaabiistana hoos ayey u dhacday.
Taasi waxay xaqiijineysaa in taliska Suuriya ay dileen 30 ilaa iyo 35 kun oo maxbuus intii u dhexeysay 2012-kii ilaa iyo 2022-kii. Dadka ayaa loo dilayay si toos ah ama si dadban ama qaarkood waxaa loo diiday daawada halka kuwana ay u dhinteen macluul. Ururka waxa uu sheegay in meydadka lagu aasi jiray qabuuro wadareed.
Wixii ugu naxdin badnaa markii maxaabista la sii deynayay ayaa aheyd muuqaalka cunug aan ka weyneyn 3 sano oo ka soo baxayay mid ka mid ah qololkii la furay oo la yaaban waxa dhacaya iyadoo nin huneysan uu weydiinayo “Yaa dhalay cunugan?”. Waxaa soo baxday hooyo u muuqatay in ay dhashay taas oo qabatay gacmahiisa.
Dadka adeegsada barta X ayaa ku tilmaamay in uu yahay taariikhda maxbuuskii ugu da’da yaraa, waxayna taasi ka dhacday xabsiga Sednaya ee taliska Assad.
Ilaalada xabsiga ayaa dadka jirdil ku sameyn jiray, waxayna sidoo kale adeegsan jireen dhammaan siyaasadaha loogu diidayo maxaabiista xuquuq kasta oo ay leeyihiin.
Xabsiga waxa uu ka kooban yahay labo dhismo. Dhismihii hore oo ah kan cas oo loogu talogalay maxaabiista siyaasadda iyo ammaanka u xiran ee ka horjeestay taliska iyo dhismaha cusub ee loo yaqaan kan cad oo loogu talogalay dambiilayaasha militeriga dambiga ka galay iyo kuwa loo haysto musuqmaasuqa.
Dhismaha cad kuwa ku jiray dhammaantood waxay ahaayeen kuwa raacsan taliska oo loo soo xiray xatooyo iyo dil.
Dhismaha cad iyo kan cas
Xabsiga Saydnaya waxa uu hoostagayay Wasaaradda Difaaca Suuriya. Wasaaradda cadaaladda iyo garsoorka wax saameyn ah kuma laheyn.
Saddex nooc oo ilaalo ah ayuu lahaa, waxaa ilaalinayay militeriga, booliiska militeriga iyo sirdoonka militeriga sida ay sheegeen baarayaasha ururka maxaabiista iyo dadka la la’yahay ee xabsiga Saydnaya.
Sida weyn ee xabsigaas loo ilaalinayay iyo sida dadka ku jira gudaha looga go’doomiyay addunka kale waxaa lagu sharaxay mid ka mid ah maxaabiista oo isagoo tabardarro iyo daal ka muuqdo ku dhex orday wadooyinka Dimishiq.
Dadka duubayay muuqaallada ayuu weydiiyay “Maxaa dhacay?” isla isaga ayaa ka jawaabay, “Bashar miyaa la riday?”. Maxabuuska ayaa sii orday isagoo ku qeylinaya Alle ayaa weyn.