Isniin 9, Dec 2024 {HMC} Madaxa mucaaradka Suuriya ee dibadda, Hadi Al-Bahra, ayaa sheegay Axadii in 18 bilood ee soo socota Suuriya lagu sii wadayo ku meelgaar kadibna la samaynayo “jawi ammaan ah, dhexdhexaad ah oo deggan,” si loogu diyaargaroobo “doorasho xor ah” oo dalka ka dhacda. , kadib markii uu dhacay xukunka Madaxweyne Bashaar Al-Asad.
Al-Bahra, oo ah madaxa Isbahaysiga Qaranka Suuriya, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ay waajib tahay in la diyaariyo dastuurka Suuriya lix bilood gudahood, iyada oo doorashada ugu horreysa ay tahay “afti dadweyne”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Dastuurka ayaa qeexaya in aan qaadaneyno nidaam baarlamaan, mid madaxweyne ama mid isku dhaf ah, iyadoo taa laga duulayona waxaan qabaneynaa doorasho, dadkuna ay dooranayaan hogaankooda”.