Axad 8, Dec 2024 {HMC} Tababarkan waxaa loosoo xeray ilaa 60 saraakiil oo katirsan Ciidanka Asluubta KG kuwaasoo ka howlgalaya Magaalada Baydhabo iyo degmooyinka kale ee maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.
Dufcadii ugu horeysay ciidanka Asluubta ee tababarka uu u dhamaaday ayaa galinkii danbe ee shalay loo qabtay manaasabad ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin Kala duwan oo Maamulka KG katirsan.
Taliyaha dugsiga tababarka iyo tayaynta Ciidanka Asluubta Koofur galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi Barkad Ayaa sharaxaya waxyaaba labaray saraakiisha tababarka loosoo xeray.
Gudoomiyaha Maxkamada Koofur galbeed Axmed Cali Muuse ayaa sheegay in Ciidanka Asluubta ay yihiin Kuwa si dhow ula shaqeeya bahda garsoorka Ciidanka Tababarka loo soogabagabeeyay ay kadhigan tahay inay fahansan yihiin habraaca sharciga Soomaaliyeed.
Wasiirka Amniga KG Xasan Cabdukadir Maxed ayaa sheegay in tababarkan uu muhiimad gaar u leeyahay Ciidanka Asluubta islamarkaana looga baahanyahay inay laba jibaaraan adeega ay u hayaan shacabka.
Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen Mahad Cadiraxman Aadan ayaa isna xusay in Ciidanka Asluubta ay yihiin Kuwa shaqada ugu muhiimsan u hayo Bulshada Soomaaliyeed sidaas darteed ay lagamamaarnaan ay tahay in sarre loo qaado tayadooda iyo aqoontooda
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa u xilsaaran sugida Amniga xabsiyada iyo maxaabissta ku xiran.