Sabti 7, Dec 2024 {HMC} Ciidanka Israa’iil ayaa Naaji Al-Baaba ku dilay Daanta Galbeed oo ah ciyaaryahan 14 jir ah kaas oo lahaa hibada kubadeed ee Ciyaaryahanka Xulka Qaranka Portugal iyo Kooxda ka dhisan Sacuudiga ee Al-Nassar waa Cristiano Ronaldo.
Ciyaaryahan Naaji waxaa toogtay Ciidamo katirsan kuwa Israa’iil waxaana Hooyada dhashay oo lagu magacaabo Samahar Al-Zamara oo la hadashay Warbaahinta ay u xaqiijisay falkaan oo reerkooda murugo iyo argagax ku reebay.
Qaar kamid ah ciyaartoy ay saaxiibo ahaayeen Naaji Al-Baaba ayaa qudhooda sawir ku muujiyay tacsidiisa maadaama uu yahay halyeey ka baxay, waxa ay sheegeen in aanay xusuustooda ka go’in ciyaaryahankaan sida ay hadalka u dhigeen.
“Naaji Al-Baaba waxa uu ku riyoonayay in uu mar noqdo ciyaaryahan leh hibada Cristiano Ronaldo, waxa uu ahaa joog dheere 14 jir ah, marnaba ma hilmaami doonno, xusuusteenna ayuu ku taagan yahay” sidaasi waxaa yiri mid kaid ah Dadkii aqoonta u lahaa.
yahooda Israa’iil ayaa beegsatay Dad kala duwan oo Shacab ah kuwaas oo isugu jiray Rag, Dumar, Carruur iyo kuwo kale oo Da’ ah, waxaa su’aalo badan la dul dhigay ujeedka weerarkaan isir-sifeynta ah oo ay ka wadaan Dhulka Falastiin.