Sabti 7, Dec 2024 {HMC} Rag hubaysan oo markab kalluumeysi ugu af-duuban yahay xeebaha maamulka Puntland, ayaa dalbaday $5 milyan oo doollar sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP News.
Wakiilo ka socda shirkadda markabka leh ayaa u bandhigay dableyda hubaysan lacag dhan $1 milyan oo doollar balse way diideen waxaana ay ku adkeysteen in la siiyo $5 milyan oo doollar.
Markabkani oo laga lee yahay dalka Shiinaha islamarkaana ku gooshayay calanka jasiiradda Taiwan ayaa todobaar ka hor laga qafaashay xeebaha degmada Xaafuun ee gobolka Bari.
Markabka oo ay saaran yihiin 18 shaqaale ah waxaa markii hore la geeyay degaan xeebeedka Jiifle oo ka tirsan degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal waxaase hadda lagu hayaa degaanka Marraya oo hoostaga degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Wararka ayaa sheegaya in markabkani kalluumeysi ay bilowgii qafaasheen ilaaladii loo xilsaaray amnigiisa balse ay dib kaga biireen dabley kale oo hubaysan, oo la tilmaamay in burcadbadeed yihiin.