Khamiis 06 Dec 2024 {HMC} Koox u doodda xuquuqda warbaahinta Afghanistan ayaa sheegtay in maamulka Taliban ay weerareen xafiiska telefishin gaar loo leeyahay oo Kabul ku yaalla ayna ka qaateen qalabkii yaallay.
Xarunta Weriyeyaasha Afghanistan ayaa sheegtay in saraakiil ka socda waaxda dhaqan-gelinta shareecada ay xireen ilaa toddobo ka mid ah shaqaalaha telefishinka Arezo.
Taliban ayaa sheegtay in kanaalka uu baahin jiray barnaamijyo kasoo horjeeda qiyamka Islaamka.
Telefishinka oo markii hore ka shaqo bilaabay magaalada Mazar-e-Sharif sanadkii 2006 ayaa lagu yaqaannnaa baahinta barnaamijyada xayawaannada iyo ruwaayado Islaami oo Turki ah.
Tan iyo markii ay la wareegeen xukunka sanadkii 2021, Taliban ayaa xayiraado adag kusoo rogtay warbaahinta, iyadoo beegsaneysa warbaahinta iyo weriyeyaasha.