spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} DFS oo diyaaradaha Qumaatiga u kaca geysay Raaskanbooni

Jimco 6, Dec 2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubbada Hoose , wali ku daabuleysa ciidamo iyo saannad milatari oo lagu xoojinayo ciidanka xoogga dalka ee Gorgor iyo kuwa booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad loo yaqaan.

Shirkadaha diyaaradaha ee dalka ayaa diiday in ay ka degaan deegaanka Raaskanbooni ayna halkaasi geeyaan ciidan iyo saanad milatari, waxaana diyaaradahaasi horey digniin adag ugu diray dowlad goboleedka Jubbaland oo kasoo horjeeda ciidanka la geenayo Raaskanbooni.

Waxaa maanta deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubbalada Hoose ka degay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicobterka, kuwaa oo ay leeyihiin ciidanka xoogga dalka, diyaaradahan ayaana geeyay raaskabnooni saannad muhiim u ah ciidanka xoogga dalka.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaana ciidanka ka caawinaya helitaanka agabyada muhiimka ah ee u baahan yihiin, waxa ay sidoo kale diyaaradahan halkaasi geenayaan ciidamo cusub oo ku biiraya kuwii horey halkaasi u joogay.

 

WARARKA