Khamiis 06 Dec 2024 {HMC} Ciidamada Suuriya ee Ruushku taageerayo ayaa sheegay in ciidamadooda ay kala baxeen magaalada muhiimka ah ee bartamaha dalkaas ku taalla ee Xama, taasoo gacanta u gelineysa xoogahha mucaaradka ah ee ay Islaamiyiintu horkacayaan.
Ciidamada ayaa sheegay in ciidankooda ay ka baxeen kadib isku dhac weyn oo xoogaggaas dhex maray isla markaana ay dib uga gurteen si ay u dhowraan nolosha rayidka ayna uga hortagaan in magaalada dhexdeeda lagu dagalalamo.
Xoogagga ayaa sheegay inay la wareegeen xabsi ku yaalla Xama ayna sii daayeen boqollaal maxbuus oo halkaasi ku xirnaa.
Ololaha lagu qabsanayo Xama ayaa billowday labo maalmood kahor. Waxay kusoo aadeysaa kadib qabsashadoodii kediska ahayd ee Aleppo toddobaadkii hore, taasoo dib usoo cusbooneysiisay dagaalka Suuriya.
Dhanka kale, mar uu weriyeyaasha kula hadlayay shir jaraa’idl oo qadka telefoonka ah, ayaa afhayeenka Kremlin-ka — Dmitry Peskov – wuxuu sheegay in Moscow ay sii wadi doonto taageerada dowladda Bashar al-Assad: