Khamiis 05, Dec 2024 {HMC} Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday inay bilowday ciidamadeeda inay usoo dirto Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya.
Ciidamada Dalka Uganda ee loo dirayo Soomaaliya ayaa tababar loogusoo xiray dalkaas, iyagoo lagula dardaarmay inay kasoo baxaan waajibaadkooda.
Ku Xigeenka Ciidanka Dhulka Taliye Maj Gen Takirwa ayaa ku booriyay ciidamada Uganda ee Soomaaliya loo dirayo in ay ilaaliyaan anshaxa, dulqaadka, iyo dadaalkooda, si ay qeyb weyn uga noqdaan howlgalka cusub ee Soomaaliya.
“Ma tihid muwaadiniin u dhashay dalkaas, ee noqda kuwa xalliya dhibaatooyinka meelaha la idiinka dirayo,” ayuu Gen Takirwa xasuusiyay ciidamada.
Dalka Uganda oo ah dalka ugu badan ee ciidamada nabad ilaalinta ay ka joogaan Soomaaliya, ayaa mar kale ciidamadeeda waxay ka qeyb qaadanayaan howlgalka cusub.