Khamiis 05, Dec 2024 {HMC} Dowladda fedaraalka Soomaaliya ayaa bilowday inay diiwaan-galiso ciidamadii maalmahii lasoo dhaafay kasoo goostay maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.
Boqolaal askari oo kamid ahaa ciidamada Jubbalan oo ku soo biiray ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose ayey diiwaan-gelintooda ka socota halkaasi, si ay u helaan xuquuqda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ciidamadaan ay haatan dowladda u diiwan-galineyso xaquuqdooda ayaa ahaa kuwa la sheegay in markii hore Jubbaland u soo dirtay inay la dagaalamaan ciidanka dowladda ee la geeyay Raaskambooni.
Ciidankan ayaa go’aankii dagaalka ee loo soo diray u beddelay inay ku biiraan ciidanka xoogga dalka, sida ay warbaahinta qaranka u sheegeen qaar kamid ah saraakiisha hoggaamineysay ciidankaas.
“Waxaan kamid ahaa saraakiisha ka soo xarootay Jubbaland ee loo soo diray inay calankooda xabadeeyaan, waa diidnay, go’aankeena maaha inaan calanka Soomaaliya xabadeyno,” ayuu yiri Khadar Cali Ibraahim oo kamid ah ciidamada la diiwaan-geliyay.
Waxa uu intaas kusii daray “Afar sano ayaan u shaqaynayey Jubbaland wax xuquuq ah ma lahayn.”
Tallaabadan ay qaaday dowladda dhexe ayaa la filayaa inay ciidamo badan oo ka tirsan maamulka Jubbaland ku dhiiri-geliso inay diidaan u dagaalamida dano siyaasadeed, xilli Axmed Madoobe uu qorsheynayo inuu dagaal kala hortago ciidanka dowladda Soomaaliya ay geysay Raaskambooni.
Si kastaba, xiisadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa cirka isku shareertay kadib markii uu Axmed Madoobe mar saddexaad qabsaday doorasho uu kusoo baxay, taas oo ka biyo diiday dowladda federaalka oo u aragta sharci darro, ayadoo waaran soo qabasho ahna u jartay Madoobe.