Khamiis 05, Dec 2024 {HMC} Dowladda Itoobiya ayaa soo dhaweysay qorshaha Kenya iyo Uganda ay ku doonayaan inay ku dhex-dhexaadinayaan khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya.
Madaxweynaha Dalka Kenya Wiliam Ruto ayaa arrintan dhowaan ka sheegay shir madaxeedka dalalka EAC ee ka socday Magalada Arusha ee Dalka tansaaniya.
Hase yeeshee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wada-hadal la galeyn Itoobiya illaa ay ka laabato heshiiskii is-afgarad ee Somaliland.