Khamiis 05, Dec 2024 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku wargeliyay Xildhibaanadda Golaha Shacabka in si rasmi ah loo xiray kalfadhigii shanaad ee Golaha Shacabka.
Xildhibaannada labada Aqal oo fasaxooda rasmiga ahaa bishii hore , ayaa shaqada sii watay bil dheeraad ah kaddib markii uu Madaxweynaha ka codsatay, waxa ayna xildhibaannada bishaasi ansixiyeen xeerarka iyo guddiga doorashada ee dalka.