Khamiis 05, Dec 2024 {HMC} Dibadda Axmed Macalin Fiqi, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa ku guuleysatay fududeynta in 161 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xayiranaa dalka Libiya si iskood ah dalkooda loogu soo celiyo, Waxaana laga soo dejiyay Garoonka Magaalada Muqdisho oo ay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ay kusoo dhoweeyeen.
Dowladda ayaa bayaan ay kasoo saartay dadkaan maanta dib dalka loogu sooceliyay ayaa xustay in 74 ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee laga soo saaray xabsiyada dalka Libiya laga dejiyey magaalada Hargeysa, halka 87-da kale laga soo dejiyey magaalada Muqdisho, tirada guud ee dadkaan ay Xukuumadda Soomaaliya ka soo saartay xabsiyada dalka Libya ayaa ah 161 qof.
Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi, Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Libya Danjire Cabdi Aadan Diiriye, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan muhaajiriinta iyo xuquuqda carruurta Maryan Yaasiin iyo Guddoomiyaha hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxootiga qaranka, xubno ka socda UNHCR, Midowga Yurub iyo IOM ayaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey 87 qof oo kamid ah dadkii ay Dowladda Soomaaliya kasoo badbaadisay magefayaasha Libiya.
Wasiir Fiqi ayaa ku nuux-nuux saday sida hagar la’aanta ah ee Dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta Badqabka muwaadiniinteeda ku sugan dalka dibadiisa iyo sidii ay dalkooda ugu soo laaban lahaayeen, Dhanka kale Danjire Maryan Yaasiin, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha J.F.S u qaabilsan Muhaajiriinta & Xaquuqda Carruurta, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay dadaallada la isku soo dubariday, iyadoo tilmaantay doorka muhiimka ah ee Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ku leedahay ka hortagga caqabadaha Tahriibka.