Khamiis 05, Dec 2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka Boolisk dalka Kenya, Qeybta Adeegga Guud, ee loo yaqaano GSU.
Taliye, Ranson Lolmodooni MBS, OGW-SAIG ayaa Xarunta GSU ee magaaladda Nairobi ku soo dhaweeyay Danjiraha Safaaraadda Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle.
Danjiraha oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey xarunta GSU ayaa kulan gaara la qaatay taliyaha ciidanka, Taliye, Ranson Lolmodooni. Kulanka ayaa looga hadlay doorka muhiimka ah ee Qeybta Adeegga Guud ay ka qaataan taageeraddda joogtada ah oo ay siiyaan safaaradda Soomaaliya iyo shaqaalaheeda.
Wadahadalada ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray qaabkii sidii loo kobicn lahaa wada shaqeeynta labada dhinac.
Wadashaqeynta safaraadda iyo ciidanka GSU ayaa ka tarjumaysa iskaashiga ballaaran ee sii kordhaya ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.
Amniga ayaa weli ah mid ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee xiriirkan ku dhisan yahay, iyadoo labada waddan ay ka go’an tahay wax ka qabashada khataraha gobolka iyo kobcinta xasilloonida ee mandaqada Geeska Africa, gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya.
Danjire Jabril ayaa si weyn ugu mahadceliyey dadaalka iyo taageerada joogtada ah ee GSU, taas oo sii xoojinaysa dadaallada diblomaasiyadeed iyo kalsoonida labada dal iyo labada shacab.