Arbaco 04, Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha la doortay ee maamulka Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa la kulmay wefti ballaaraan oo uu hoggaaminayay Danjiraha dalka Mareykanka u jooga Soomaaliya Danjire Richard H. Riley oo ay wehelinayaan taliyayaasha ciidamada AFRICOM.
Madaxweynaha la doortay ee maamulka Somaliland, waxa uu sheegay in uu wefdiga si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya maamulka Somaliland iyo sidoo kale dowladda Mareykanka.
Waxa uu sidoo kale Madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro sheegay in wafdiga ka socday Mareykanka soo gaarsiiyeen dhambaal hambalyo ah oo ay kaga sideen madaxda sare ee dowladda Mareykanka .
Wafdiga ka socday dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale la kulmay Madaxweynaha xilka ka degaya ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa ayna kawada hadleen arrimo badan oo khuseeya xiriirka labada dhinac iyo sii socodsiinta iskaashiga ka dhaxeeya.