spot_imgspot_imgspot_img

Mucaaradka Soomaaaliya oo war culus kasoo saaray xaalada Dalka iyagoona ka horyimid…..

Arbaco 04, Dec 2024 {HMC} Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdirashakuur Warsame ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka.

Siyaasiyiintan oo hadda mucaarad ah ayaa si weyn uga horyimid qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadan qabashada doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay haatan ku howlan tahay dowladda federaalka, iyaga oo mar kale ku celiyay go’aankooda diidmada ah.

Shariif, Khayre iyo Warsame ayaa sidoo kale madaxweynaha ku eedeeyay inuu beddalay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, isla markaana uu sameystay xeerar doorasho oo u gaar ah.

Waxaa kale oo ay tilmaameen in guddiga doorashada la magacaabay lagu saleeyay rabitaanka shaqsiga ah ee madaxweynaha, sida ay hadalka u dhigeen.

“Madaxweyne Xasan wuxuu talada dalka la wareegay iyadoo uu dalku leeyahay dastuur la isku raacsan yahay, xeerka doorasho iyo xisbiyada, iyo guddi doorasho. Wuxuu beddelay dastuurkii dalka, wuxuu samaystay xeerar doorasho iyo kuwo xisbi, wuxuu magacawday guddi doorasho oo dhammaantood lagu jaangooyay rabitaankiisa shakhsiga ah.

Sidoo kale waxa ay qaadaceen gebi ahaan xeerarka doorashooyinka iyo guddiga la magacaabay ee uu ansixiyay baarlamaanka, iyaga oo go’aankooda la wadaagay beesha caalamka.

“Haddaba waxaan shacabka Soomaaliyeed, saamileyda kale ee siyaasaddda iyo saaxibada daneeya arrimaha Soomaaliya waxaan la socodsiineynaa in aan qaadacnay guddira, xeerarka doorashada iyo kan xisbiyada, waxaana uga digeynaa inay ku kadsoomaan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada haatan ay guddoon cusub doorteen xubnaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan oo dhawaan ay meel-mariyeen labada Gole.

WARARKA