Arbaco 04, Dec 2024 {HMC} Shirkadda Nukliyeerka Faransiiska ee Orano ayaa sheegtay in madaxda militeriga Niger ay hadda kala wareegeen howlaha xarumahooda laga qodo macdanta Yuraaniyamka ee dalkaas galbeedka Afrika.
Bishii Juun ayey mas’uuliyiinta Niger kala noqdeen ogolaashaha shirkada ay ku qodeysay mid ka mid ah keydadka ugu weyn adduunka ee Yuraaniyamka. Orano waxay joojisay macdan qodista.
Kaddib markii militerigu xukunka Niger la wareegeen sanadkii la soo dhaafay waxay sheegeen in ay soo celinayan qeynuunada ay shirkadaha shisheeye ee macdanta qoda ku shaqeeyaan.
Wadanka ayaa soo saara 5% Yuraaniyamka adduunka taas oo ka dhigeysa 10-ka dal ee ugu saareeya soo saaridda macdantaas muhiimka u ah tamarta laga dhaliyo nukliyeerka.
Ka hor afgembiga, Niger waxay soo saareysay 15 ilaa iyo 20 boqolkiiba yuranimaka loo dhoofiyo Faransiiska.
Niger waxay xornimada ka qaaday Faransiiska sanadkii 1960-kii iyadoo Faransiiskana u suuragashay in uu si gaar ah u helo Yuraniyamka Niger.