Arbaco 04, Dec 2024 {HMC} Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku so bandhigtay Gaadiid oo aad u badan iyo Diyaaradaha Dagaalka ku waas oo ay sheegtay in ay dhawaan soo iibsatay,
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Odawaa yuusuf raage oo ay wehliyaan saraakiil kale ayaa maanta la wareegay Gaadiidka kuwa dagaalka ah oo Dowlada Soomaaliya soo iibsatay.
Dhinaca kale Gen:Odawaa ayaa Kormeeray Diyaaradaha Dagaalka oo ay so iibsatay Dowladda soomaaliya oo ay hada isticmalaan Ciidamada Cirka.
Tan iyo markii Dowladda Federaalka Soomaaliya laga qaaday Cunaqabateeyta Hubka waxa ay waday Dadaalo dib loogu qalabeynaayo Ciidamada kala duwan ee Dowladda Soomaaliya.
Waxyaabaha ay Dowladda Soo iibsatay waxaa ka mid ah Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopterka Gaadiidka Ciidamada iyo Madaafiicda goobta kuwaas oo mudo dheer aysan isticmaalin Ciidamada Soomaaliya.